Tuesday, June 9, 2015

HORUMARKA BULSHO WAXAA UU KU XIDHAN YAHAY WADATASHI BULSHO OO DHAMAYSATIRAN




























Salaan diirran dhammaan bulshada reer Somaliland. Maqaalkani wuxuu hollanayaa inuu wax ka iftiimiyo sida loo
heli karo is faham dhexmara xukuumadda iyo bulshada reer guuraaga ah ee ka fog xarumaha awoodda dawladdu
taal (Marginalised sections of the community). Wuxuu ka duulayaa buuqqii iyo is afgaranwaagii dhawaan ka
dhashay sahaminta tamarta shidaal/gaas ee la naawilayo inay ku duugan tahay dalkeenna, gaar ahaanna gobolka
Saraar.
Ugu horrayn waxa hambalyo mudan dawladda soo kordhisay hankan weyn ee daaha lagaga faydayo mugga iyo
baaxadda khayraadka dabiiciga ah ee dalkeenna, taasoo lagu bartilmaameed sanayo in la cabbiro, la soo saaro,
lana shafeecsado kayrka uu ilaahay dalkeenna saamiga u siiyey. Ka sokow fursadaha shaqo abuur, dhaqaale
kobcin iyo guud ahaan heerka nololeed ee dadkeenna oo dhawr meeris kor u kici doona, waxay himiladani
noolaynaysaa, kordhinaysaa, korna u qaadaysaa yididdiiladii dadkeennu ka qabay in mustaqbal ifaya laga gaadhi
karo nolosha haddii dedaal taxane ah oo aan loo kala hadhin lagu maareeyo nolosha iyo baahiyaheeda. Waxay
marag ka noqon kartaa ka dhabaynta loogu jiro yuhuunitii laga lahaa la soo noqoshadii xorriyadda iyo in haddaan
la hagran dalkan geeddi tahan gaadhsiiya la rari karo. Wuxuu rajo weyn u noqonayaa da’yarta tahriibta habeen iyo
dharaar dhuyaalka ugu jira, oo laga yaabaa in qaarkood yar hakadaan oo bal dhursugaan. Siyaasaddani waxay
inoo horseedi kartaa inaynu ka geyoonno dhibkii baaxadda lahaa ee loo soo maray dibu xoraynta dalka, iyo
samirkii iyo dedaalkii aan kala go’a lahayn ee shacbigani ugu soo dhabar adaygay intii maamulka Somaliland
madax bannaan la yagleelay Haddaan intaa u dhaafo bogaadinta hammiga fog ee dawladda, waxaan u soo degeyaa
tilmaanta siday iigu muuqato dhabbaha hagaagsan ee ay tahay in loo maro horumarintaa. Dawladda, bulshada
reer Saraareed iyo Shirkadda Genel ba yaanay ka ilduufin, qodobbada aan hoos ku muujin doono:
Dawladda hal baa seegay: Mar kasta waa in xogogaal dawladdu u tahay dareennada, tuhunnada iyo tabashooyinka
reeraysan ee bulshada gaar ahaan reer guuraaga ah. Muhiim maaha in dareennadaasi iyo tuhunnadaasi run ku
fadhiyaan iyo in kale, waxa muhiim ah la socoshadooda iyo furdaamintooda. Bulshooyinka ka durugsan
awwoodaha iyo xarumaha dawladda (sida reer guuraaga, kallumaysatada iwm) waxay leeyihiin duruufo u gaara
oo ka soocaya bulshada inta magaalooyinka ku nool ama ka ag dhow. Waxay badiba ku mashquul sanyihiin la
baaxaaddegga iyo maareynta nolol adag oo aanay wax gacan qabasho ah kaga helin dawladihii kala dambeeyey ee
dalka soo maray. Waxa kaloo iyana la fahmi karaa in heerkooda aqooneed, fahamkooda dawladnimo iyo
masuuliyaddooda qawmiyadeed intuba aanay u tallowsanayn inay si buuxda uga garaabaan qorshayaasha
mudnaanta u ah dawladda ee dalka lagu horumarinayo. Sidaa darteedna aanay la jaan qaadin mashaariicda
horumarineed ee maxalliga ah, haddaan laga horraysiin wacyi gelin ballaadhan iyo ka qayb gelin talada hore ee
kala horraysiinta baahidooda, ee aanay dawladdu iyadu kelideed siday wax ugu muuqdaan ama aragto liqsiin.ujeedadaydu waa Isfaham bulsho +wada tashi umadeed +1feker talo oo lawada leeyahay +horumar bulsho oo lawadaago, iyo dowladnimo caan baxday oo bulshadu leedahay.
waa Talooyin ka soo maaxdday maankayga saliimka ah aanan cidna ula jeedin, laakiin ay tahay in lafahmo Danta bulshadeena, bulshada soomaaliland ,iyo guud ahaanab bulshada soomaaliyeed waa bulshadaydii waxaana la jecel ahy waxaan naftayda la jecel ahay waana Danata horumar hiigsi sareeya iyo barwaaqo)))
(Fadlan ha copy garaysan waa Hanti fekerkayga ah)
***dhamaan umada soomaaliyedd meelkastay joogaan waan salaamayaa waana idin jeclahay*** (Alla mahad leh wabilaahi tawdiiq)
(copyright by aqoonyahan= c/risaaq axmed tamrayse)

QARN NIMADU WAA GOB LA HADHSADO

SOMALILAND
Dowladnimda Iyo Nabada aan Haysano Ma ogtahay in ay Ku Timi Dhowr sano oo Gowrac iyo Dil La Laynayey Umada Udhalatay Ama Cid Kasta oo Loo Garnayey Somalilander.
Dowladnimadan aan Haysanaa Kumay Iman Dhayal Waxaa Xaalkeeda La socda Waayeelkii iyo Ruugcadaagii Ciradu Guundaysay, Dadkaa Ayaa Garanaya Dharaarihii Dimbiilka xabada iyo Dhumbuca Qoriga Lagu Xoreeye. Siyaasi BAAQ Ahaan Waxaan Jecelaahay kuna Rajo Wayn ahay In aan Arko Qarankan oo gaadhay Hiigsigiisa 
DHAMAAN BULSHADA SOMALILAND AAD BAAN UJECLAHAY IYAGA IYO QARANIMDABA 

Thursday, May 28, 2015


SOMALILAND WAXAA AY ICTIRAAFKA KU HELI KARTAA IYADA OO XIDHIIDH WANAAGSAN OO DIBLUMAASIYADEED LA SAMAYSA WADAMADA  CAALAMKA IYO KUWA AY ISKU DHOOWYIHIINBA


Jamuuriyada Somaliland waxaa ay ictiraafka ay raadinaysay mudadad dheer ku Heli kartaa Iyada oo Dhista horumarisana dhamaan xidhiidhka Wadamada caalamaka iyo Kuwa Deriskaba.Wadamada caalamaku Waxaa Ay Waayeen Halyeeyo Ka Dhaadhiciaya gooni isu taaga iyo SOMALILAND In ay ka mid tahay Qaramada Dunida, ayna Tahay Qaran leh asaamaha dowlad lagu GartoShaqsi Ahaan anigu Waxaaan Aminsan ahay in  Ictiraafku iman lahaa + Hadii Somaliland ay Hagaajiso siyaasada Iyo dhidhiidhka wadamada Debeda Debeda, ayan ku Dhabar Adaygto Arinkaa IctiraafkaLaakiin xukuumad Kastoo soo marta Somaliland ahmiyad gaar ah ma siiso raadinta ictiraafka ee Waxaa ay ahmiyadohooda siiyaan Danahooda iyo AfkaartoodaWaxaa Loo Baahanyahay xukuumad aan Ka Daalayn Dedaalaka Ictiraaf Raadinta



Tuesday, May 26, 2015

Horumar MuUqda, Himilo ToOsan iyo Hiigsi Dhab ah!

Muhimadda iyo Mudnaanta koowaad ee Qaranka Jam.Somaliland uu leeyahay waa sugidda ammaanka, adkaynta nabad-gelyada shicibka iyo difaaca jiritaanka Qaranka. Muhimadda labaadna waa raadinta iyo badi-goobka ictiraaf iyo aqoonsi ay Jam.Somaliland ka hesho beesha caalamka. Ka midho dhalinta hanka iyo hiigsiga ummadda Jam.Somaliland, iyo in geed gaaban iyo ku dheerba loo fuulo ambaqaadka ictiraaf raadinta iyo qadiyadda Jam.Somaliland 

Saturday, May 23, 2015

Maxaad Kala Socotaa Horumarka Somaliland Iyo Dhulka Dalxiiska Ku Wacan Ee Ay Ishu Ku Doogsato.





Nabsi Subaxba Waa Cayn Ee Kaalay Soo Arag Oo Soo Booqo Horumarka Aan Indhaha Laga Qarsan Karin Ee Somaliland Ka Socda Iyo Dhulka Dalxiiska Ku Wanaagsan Ee Ay Ishu Ku Doogsato Ee Dalka Somalililand Leeyahay, Hadmaase Kuugu Dambeysey Dalkii Hooyo, Iyo Isbedelka Horumarineed Ay Bulshada Somaliland Ku Talaabsatay Tan Iyo Intii Ay Somaliland Xornimadeeda La Soo Noqotay, Haddaba Ninkii Iska Hadlayaaba Ha Iska Hadlo Ee Somaliland Tagtay Oo Tallaabsatay Ee Yaan Waxba La Isku Dhererin Oo Aanu Waqtigu Idin Kaga Lum. Ama Sanka Dhuudhi U Yeedha Ama Qam Qam Iyo Qadaad Weyn Iyo Ciidamo Shisheeye, Soomaaliduna Waxay Ku Maahm Maahdaa”Nin Aan Kuu Furi Doonin Ayaanu Kuu Rarin Reerk

Thursday, May 21, 2015

SHACABKA SOMALILAND WAA SHACAB WALAALO AH OO KU BAHOOBAY HORUMAR+ISKAASHI+NABADGELYO IYO WADA TASHI
















SHACABKA SOMALILAND WAA SHACAB WALAALO AH OO KU BAHOOBAY HORUMAR+ISKAASHI+NABADGELYO IYO WADA TASHI 

by:(SIYAASI BAAQ Axmed  Xuseen) 

 SOOMAALILAND WAA QARAN KA MID AH QARAMADA DUNIDA KA JIRA

Jamuuriyada somaliland waa waa Dal Curdin ah oo Ka Mid ah Qaramada caalamka kajira
Waa DaL ay ku Noolyihiin Shacab jecel Horumaraka+ Nabada+wax,wada Qabsiga+Horumarshacab
Somaliland Waa Qaran Xuquuqdiisa Qaranimo Qaatay 1960 laakiin ay ka Dhicisoowday Hadan Halgan Adag oo Naf iyo Maalb Lahaa oo Lagalay ayna ku shihiiden kumanyaal geesi oo Naftooda uhurayey sidii ubadkooda bulshadoodu uhelilahaayen aayo wanagsan iyo dowlad ay xor uyihiinn  ay ugaleen Taariikhdu markay ahayd 1991 18 May  Ayana Magaala madaxda Togdheer ee Burco kaga Dhawaaqeen  Qaranimadii ayna calanka midabka iyo Bilicda san leh Halkaa ka taageen
somaliland shacabkeeda iyo Dowladeeduba waxaa ay soo mareen marxalado kal Duwan waxaa somaliland ka Dhacay Doorashooyin Kala Duwanaan oo sinabad Gelyo Ah usoo dhamaaday
waxaa Shacab waynaha somaliland Hiigsanyaan am Latartamayaan Bulsha waynta Dhigooda ah ee Caalamka Waxaa somaliland Ka jira Jaamcado waawayn oo Dabakha Cilmiga Iyo Korinta Caqliga Da yartooda waxaan odhankarnaa waa Dowlad Jirta oo Caan baxday
JAMUURIYADA SOMALILAND WAA QARAN JIRA......... By siyaasi BAAQ Ahmed Tamrayse