Salaan diirran dhammaan bulshada reer Somaliland. Maqaalkani wuxuu hollanayaa inuu wax ka iftiimiyo sida loo
heli karo is faham dhexmara xukuumadda iyo bulshada reer guuraaga ah ee ka fog xarumaha awoodda dawladdu
taal (Marginalised sections of the community). Wuxuu ka duulayaa buuqqii iyo is afgaranwaagii dhawaan ka
dhashay sahaminta tamarta shidaal/gaas ee la naawilayo inay ku duugan tahay dalkeenna, gaar ahaanna gobolka
Saraar.
Ugu horrayn waxa hambalyo mudan dawladda soo kordhisay hankan weyn ee daaha lagaga faydayo mugga iyo
baaxadda khayraadka dabiiciga ah ee dalkeenna, taasoo lagu bartilmaameed sanayo in la cabbiro, la soo saaro,
lana shafeecsado kayrka uu ilaahay dalkeenna saamiga u siiyey. Ka sokow fursadaha shaqo abuur, dhaqaale
kobcin iyo guud ahaan heerka nololeed ee dadkeenna oo dhawr meeris kor u kici doona, waxay himiladani
noolaynaysaa, kordhinaysaa, korna u qaadaysaa yididdiiladii dadkeennu ka qabay in mustaqbal ifaya laga gaadhi
karo nolosha haddii dedaal taxane ah oo aan loo kala hadhin lagu maareeyo nolosha iyo baahiyaheeda. Waxay
marag ka noqon kartaa ka dhabaynta loogu jiro yuhuunitii laga lahaa la soo noqoshadii xorriyadda iyo in haddaan
la hagran dalkan geeddi tahan gaadhsiiya la rari karo. Wuxuu rajo weyn u noqonayaa da’yarta tahriibta habeen iyo
dharaar dhuyaalka ugu jira, oo laga yaabaa in qaarkood yar hakadaan oo bal dhursugaan. Siyaasaddani waxay
inoo horseedi kartaa inaynu ka geyoonno dhibkii baaxadda lahaa ee loo soo maray dibu xoraynta dalka, iyo
samirkii iyo dedaalkii aan kala go’a lahayn ee shacbigani ugu soo dhabar adaygay intii maamulka Somaliland
madax bannaan la yagleelay Haddaan intaa u dhaafo bogaadinta hammiga fog ee dawladda, waxaan u soo degeyaa
tilmaanta siday iigu muuqato dhabbaha hagaagsan ee ay tahay in loo maro horumarintaa. Dawladda, bulshada
reer Saraareed iyo Shirkadda Genel ba yaanay ka ilduufin, qodobbada aan hoos ku muujin doono:
Dawladda hal baa seegay: Mar kasta waa in xogogaal dawladdu u tahay dareennada, tuhunnada iyo tabashooyinka
reeraysan ee bulshada gaar ahaan reer guuraaga ah. Muhiim maaha in dareennadaasi iyo tuhunnadaasi run ku
fadhiyaan iyo in kale, waxa muhiim ah la socoshadooda iyo furdaamintooda. Bulshooyinka ka durugsan
awwoodaha iyo xarumaha dawladda (sida reer guuraaga, kallumaysatada iwm) waxay leeyihiin duruufo u gaara
oo ka soocaya bulshada inta magaalooyinka ku nool ama ka ag dhow. Waxay badiba ku mashquul sanyihiin la
baaxaaddegga iyo maareynta nolol adag oo aanay wax gacan qabasho ah kaga helin dawladihii kala dambeeyey ee
dalka soo maray. Waxa kaloo iyana la fahmi karaa in heerkooda aqooneed, fahamkooda dawladnimo iyo
masuuliyaddooda qawmiyadeed intuba aanay u tallowsanayn inay si buuxda uga garaabaan qorshayaasha
mudnaanta u ah dawladda ee dalka lagu horumarinayo. Sidaa darteedna aanay la jaan qaadin mashaariicda
horumarineed ee maxalliga ah, haddaan laga horraysiin wacyi gelin ballaadhan iyo ka qayb gelin talada hore ee
kala horraysiinta baahidooda, ee aanay dawladdu iyadu kelideed siday wax ugu muuqdaan ama aragto liqsiin.ujeedadaydu waa Isfaham bulsho +wada tashi umadeed +1feker talo oo lawada leeyahay +horumar bulsho oo lawadaago, iyo dowladnimo caan baxday oo bulshadu leedahay.
waa Talooyin ka soo maaxdday maankayga saliimka ah aanan cidna ula jeedin, laakiin ay tahay in lafahmo Danta bulshadeena, bulshada soomaaliland ,iyo guud ahaanab bulshada soomaaliyeed waa bulshadaydii waxaana la jecel ahy waxaan naftayda la jecel ahay waana Danata horumar hiigsi sareeya iyo barwaaqo)))
(Fadlan ha copy garaysan waa Hanti fekerkayga ah)
***dhamaan umada soomaaliyedd meelkastay joogaan waan salaamayaa waana idin jeclahay*** (Alla mahad leh wabilaahi tawdiiq)

(copyright by aqoonyahan= c/risaaq axmed tamrayse)
No comments:
Post a Comment