Hargeysa (WS) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii 1929- kii degmada Odweyne ee gobolka Togdheer.
Yaraantiisii waxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda qur’aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh. Waxbarasha sare ayuu u tegay magaalad LONDON ee waddanka Britain, isagoo soo bartay culuumta ganacsiga , waxaana uu dalka dib ugu laabtay, horaantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosnayd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL. Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo xooghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii SoomaaliLand.
Yaraantiisii waxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda qur’aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh. Waxbarasha sare ayuu u tegay magaalad LONDON ee waddanka Britain, isagoo soo bartay culuumta ganacsiga , waxaana uu dalka dib ugu laabtay, horaantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosnayd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL. Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo xooghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii SoomaaliLand.
Bishii Feberwari, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, waxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in Soomaali-Land ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markeey tahay 26-ka Juun ee sanadka 1960-ka. waxaana Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alaha U naxariistee waxuu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Soomaali-land, kadib markey xornimadeeda gaadhay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii. 1-dii July 1960-kii markii gobollaada koofureed ee Soomaaliya ay iyana xornimadoodii ka qaateen dowladda Talyaaniga ee ay dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hogaaminaayey wafdigii ka socday Soomaali-land wuxuu noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horeeyey Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxuu kale oo uu noqday wasiirka tacliinta ee Soomaaliya 1963-dii ilaa iyo 1964-tii, hase yeeshee wuu iska casilay gollihii wasiirrada ee sanadkaasi, isagoo hogaamiye ka noqday xisbi mucaarad ahaa oo la oran jiray SNC,markii dambena wuxuu ku biiray Cigaal xisbigii SYL.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxuu kaluu noqday wasiirka tacliinta ee Soomaaliya 1963-dii ilaa iyo 1964-tii, hase yeeshee wuu iska casilay gollihii wasiirrada ee sanadkaasi, isagoo hogaamiye ka noqday xisbi mucaarad ahaa oo la oran jiray SNC,markii dambena wuxuu ku biiray Cigaal xisbigii SYL. Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra’iisul-wasaaraha doorashooyinkii 1969-kii . 21 Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Cigaal waxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad soomaaliyeed oo la doorto, waana la xiray, wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-kii bishii February, marka laga reebo muddo sanad ka o ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-dii, oo mar loo magacaabay Danjiraha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba dib baa loo xidhay . 1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska casilay markiiba. Burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib, Cigaal wuxuu ka qeyb galay sanadkii 1991-dii, shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ee Jabuuti, 1993-dii bishii May 5-teedii Cigaal waxaa loo doortay Madaxweynaha Soomaali-land, iyadoo jagadaasi dib hadana loogu doortay sanadkii 1997-dii.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu todobaad kedib daweeyn u tagay dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay wehliso marwadiisa Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Soomaali-Land.
Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Allaha U Naxariistee, wuxuu guursaday intii uu noolaa shan dumar ah, wuxuuna dhalay shan caruur ah oo kala ah sadex wiil iyo laba gabdhood, oo intaba ay u dhashay Marwo Caasha Saciid Caabi.
ISIRKII MADAXWEYNE CIGAAL
Habar Awal / Ciise Muuse
lasoco habeen danbe iyo daahir riyaale
weriye aadan caydiid yariisow
bulshawi2013@gmail.com
No comments:
Post a Comment